Haddii aad u baahan tahay turjubaan, ka wac Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada 131 450.
Waa maxay sababta aad ugu baahan tahay in lagu tallaalo
Tallaaladu waa amaan waana mid waxtar u leh inay dadka ka difaacaan inay aad ugu xanuunsadaan COVID-19. Aad bay muhiim u tahay inaad sidii loogu talagay aad u dhameysato tallaalada si aad u xaqiijiso ka hortagga ugu badan ee fayraska.
Sida tallaalka loo heli karo
Talaalka ayaa laga heli karaa:
- GPs
- Rugta Neefsashada ee
- Farmashiyada
- Adeegyada caafimaadka bulshada.
Waa inaad la hadashaa GP-ga haddii aad leedahay xaalado hore u jiray ama aadan hubin inta qiyaasood ee aad u baahan tahay.
Tallaaladu waa lacag la'aan, uma baahnid kaarka Medicare ka si aad isu tallaashid.
Yaa qaadan kara tallaalka
Qof kasta oo da'diisu tahay 5 iyo wixii ka weyn wuu u qalmaa tallaalka. Carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood iyo 5 sano jir qaarkood ayaa u qalma tallaalka haddii:
- difaaca jirkoodu liito
- ay naafo yihiin
- ay leeyihiin xaalado caafimaad oo badan.
Tallaal cusub oo loo yaqaan bivalent laguna beegsanayo noocyada Omicron ayaa loogu heli karaa xoojiye (booster) ahaan qof kasta oo jira 18 iyo wixii ka weyn.
Kala hadal GP-ga inta qiyaasood iyo tallaalada la idin kula talinayo adiga iyo ilmahaaga. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo Is tallaal (Get
Tallaalkaaga kadib
Waxaa laga yaabaa inaad yeelato waxyeelo sida meesha cirbada lagaaga duray oo ku xanuunta, daal, murqo xanuun, qandho ama qarqaryo iyo kalagoysyada oo ku xanuuna. Dhibaatooyinka ka dhasha (side effects) waa caadi waana calaamad muujinaysa in tallaalku shaqaynayo. Caadiyan waa kuwo sahlan wayna iska dhamaadaan maalin ama laba maalmood ka dib.
Waxyeellooyinka halista ah (serious side effects) aad ayay dhif u yihiin. La xiriir dhakhtarkaaga haddii aad welwelsan tahay, ama haddii waxyeeladu aysan dhamaan maalmo yar ka dib.
Wixii ku saabsan tallaallada COVID-19
Dhammaan tallaalada waa inay soo buuxiyaan heerarka badbaadada ee ay dejiyeen Maamulka Alaabaha Daaweynta Australia (Australian Therapeutic Goods ka hor inta aan lagu isticmaalin Australia. Waxaa tallaalada bixinaya howl-wadeeno caafimaad oo aqoon leh.
Australia gudaheeda, waxaa jira 4 tallaal oo la heli karo loona oggolaaday in la isticmaalo:
- Pfizer
- Moderna
- Novavax
- AstraZeneca
Dadku waxay heli karaan tallaalo kala duwan iyadoo loo eegayo da'dooda iyo xaaladdooda caafimaad. La hadal GP-ga si aad u ogaato tallaalka kugu habboon.
Macluumaad dheeraad ah
GP-ga ama farmashiyaha xaafadaada ka sameyso ballanta tallaalkaaga xigta adoo isticmaalaya baadigoobaha rugta tallaalka (vaccine clinic . Wixii macluumaad dheeraad ah, ka wac Khadka Caawinta Coronavirus ee Qaranka (National Coronavirus Helpline) 1800 020 080.
Reviewed 12 December 2022