On this page
- Ku soo noqoshada iskuulka teeram ka 1, 2022
- Baaritaanka antigen-ka degdega ah ee lacag la'aanta ah (RAT)
- Hawo qaadasho (ventilation)
- Talaalka
- Taageerada la kordhiyey si iskuuladu u furnaadaan oo ay ammaan u noqdaan
- Fogaan wax ku barashada (remote learning)
- La hadalka carruurtaada inta lagu jiro coronavirus
Boggan hadda waa la cusboonaysiinayaa In si aad u hesho macluumaadkii ugu dambeeyay ee luqadaada ah, ka wac Khadka Taleefanka ee Coronavirus 1800 675 398 oo taabo 0 si aad u hesho turjumaan.
Haddii aad u baahan tahay caawimaad dheeraad ah oo luqadaada ah, waxaad ka wici kartaa TIS National on 131 450 oo codso turjubaan, ka dibna usheeg in lagugu xidho khadka taleefoonka ee Coronavirus (COVID-19) 1800 338 663.
Ku soo noqoshada iskuulka teeram ka 1, 2022
Teeramka koowaad (term 1), 2022 ardaydu waxay dib ugu laabteen iskuulka si ka fool ka fool ah, carruurta yaryarina waxay ku noqdeen waxbarashada carruurnimada hore iyo daryeelka.
Waxyaabahani waxay xaqiijin doonaan in carruurta, ardayda iyo shaqaalaha sida ugu macquulsan loo sugo nabad qabkooda.
Baaritaanka antigen-ka degdega ah ee lacag la'aanta ah (RAT)
- In ka badan 39 milyan oo RAT ayaa la geyn doonaa iskuulada iyo goobaha adeegyada daryeelka iyo xanaanooyinka caruurta
- Qaadashada baaritaanka antigen-ka degdega ah waxay noqon doonaan kuwo dadku ayaga ikhtiyaar leeyihiin oo isla markaasna lacag la'aan ah
- Iskuulkaaga ama adeega carruurnimada hore ayaa ku siin doona RATs lacag la'aan ah laga bilaabo bilowga Teeramka 1
- U qaado RAT guriga
- Haddii natiijada baaritaanka ubadkaagu ay noqoto mid boositiif (positive) ah, waa inaad la socod siisaa iskuulkaaga ama adeega carruurnimada hore iyo Waaxda Caafimaadka. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo soo sheego natiijada boositiif (positive) ka ah, booqo
Carruurta da'doodu tahay 3 iyo wixii ka weyn ee taga adeegyada carruurnimada hore, ardayda iskuulada hoose iyo sare iyo shaqaalaha
- Waxaa aad loogula talinayaa in la baaro laba jeer toddobaadkii inta lagu jiro Teeramka 1
Ardayda iyo shaqaalaha iskuulada takhasuska (specialist school) gaarka ah
- Waxaa aad loogula talinayaa in la baaro shan maalmood todobaadkii
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan RAT booqo
Hawo qaadasho (ventilation)
- Hawo/leyr fiican ayaa ah mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo badbaadada iskuulada iyo carruurnimada hore
- 51,000 oo hawo-sifeeye ah ayaa la geeyey iskuulada 31-dii Janaayo 2022 ka hor, halka xanaanadu ay heli karaan maalgelin lagu hagaajinayo qalabka hawada-qaada.
Talaalka
- Macallimiinta iyo shaqaalaha waxbarashada carruurnimada hore waxay qaateen saddex qiyaasood oo tallaal ah, ama ay haystaan qiil caafimaad oo macquul ah.
- In ka badan 90% carruurta ay da'doodu tahay 12 jir iyo ka weyn ayaa hadda la tallaalay
- Carruurta da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 11 waxaa lagu tallaali karaa xarumaha tallaalka ee gobolka iyo rugaha tallaalka ee iskuulka
- Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo ballansado ballan tallaal booqo:
Shaqaalaha iyo ardayda da'doodu tahay 18 iyo wixii ka weyn ee qaatay qiyaastoodii labaad ee tallaalka COVID-19 saddex bilood ama ka badan ka hor, waxay xaq u leeyihiin qiyaastooda saddexaad hadda
Dhammaan shaqaalaha iyo ardayda u qalma waxaa si aad loogu dhiirigelinayaa inay u qaataan qiyaasta tallaalkooda saddexaad sida ugu dhakhsaha badan.
Wixii macluumaad dheeraad ah booqo
Taageerada la kordhiyey si iskuuladu u furnaadaan oo ay ammaan u noqdaan
- Shaqaale dheeraad ah ayaa diyaar u ah inay shaqeeyaan haddii shaqaalaha iskuulku aanay shaqayn karin
- Nidaamyada la cusboonaysiiyay ayaa hadda ka jira iskuulada si ay u ogeysiiyaan iskuulada iyo bulshooyinka adeegga carruurnimada hore marka ay jiraan dad qaba COVID-19
- Qorshayn dheeraad ah iyo taageero loogu talagalay maamulayaasha iyo shaqaalaha
- In iskuulada iyo adeegyada carruurnimada hore furnaadaan iyo sida ugu badbaadada badan ee suurtogal ah
Fogaan wax ku barashada (remote learning)
- Fogan wax ku barashada waxaa kaliya oo loo tixgalin doonaa inay tahay mid deegaan, muddo gaaban ah, isla markaasna lasiin doono mudnaanta ugu dambeeyso.
La hadalka carruurtaada inta lagu jiro coronavirus
Fariinta wasiirka
Carruurtaada, sida kuwayga oo kale, waxay qabi doonaan su'aalo badan oo ku saabsan Coronavirus iyo waxa ay uga dhigan tahay iyaga - iyo dadka ay jecel yihiin.
Waan ogahay inay ku adag tahay waalidiinta iyo daryeelayaasha inay ka jawaabaan su'aalahaas. Taas ayaana u sabab ah, markaan si dhow ula tashanay kooxda cilmi-nafsiga ubadkeena, waxaan soo saarnay kheyraad kaa caawinaya inaad ku hagto wada hadaladan.
Carruurtu way kala duwan yihiin, qaar waxay rabaan inay hadlaan in ka badan inta carruuta kale hadleyso. Muhiimadu waa inaad ag joogtid marka ay diyaar u yihiin inay hadlaan.
Shaki la'aan, waxaan wajahaynaa caqabad aad u weyn.
Laakiin waxaan rabaa inaad ogaato in anaga waalid ahaan, daryeeleyaal iyo dadka reer Victoria ahaan, aanu tan ku wada jirno.
Mudane James Merlino, MP
Gudoomiye ku xigeenka (Deputy Premier), Wasiirka Waxbarashada
Hagahan ayaa kaa caawin doona inaad kala hadashid ilmahaaga waxyaabaha ku saabsan coronavirus (COVID-19). Waxaa ku jira talooyin ku saabsan sida loo yeesho wada hadal xasiloon isla markaasna kalsooni abuuraya iyo isku xirka (links) agabyo adiga iyo qoyskaaga caawinaya.
Ficilada lama huraanka ah
- Ha ka baqin inaad carruurtaada kala hadashid coronavirus (COVID-19)
- Ilmahaagu haku hago
- Ku dheganoow jadwal (routine) joogto ah
- Uso gabagabeey wadahadalada si daryeelis ku jirto
- Xusuusnow inaad nafsadaada ka taxadartid
Ha ka baqin inaad carruurtaada kala hadashid coronavirus (COVID-19)
- Caruurta badankood hore ayeey u maqleen waxa coronavirus uu yahay waana in waalidka iyo daryeelayaashu ay uga faa'iideystaan fursadan sidii ay ugala hadli lahaayeen xaalada hadda jirta.
- Xiriir daacad ah oo joogto ah ayaa fure u ah wax walba. Haddii aanan waxa markaas laga hadlin waxay carruurta ku abuuri kartaan welwel badan.
- Carruurtu waxay inta badan warka ka helaan asxaabtooda iyo warbaahinta bulshada. Waalidiinta iyo daryeelayaashu waxay ku caawin karaan inay u noqdaan ilo lagu kalsoon yahay oo laga heli karo macluumaadka iyo sidii qof ka caawin kara carruurta su'aalahooda.
Kala sooc macluumaadka adoo u eegaya da'da ilmahaaga
- Isku day inaad isdejiso oo aad si wanaagsan ula hadasho ilmahaaga.
- Ka fikir da'da ilmahaaga. U soo bandhig macluumaadka adigoo isticmaalaya luuqad iyo tusaalayaal ay fahmi karaan.
- Waa caadi haddii aadan wax walba ka jawaabi karin - oo aad tiraahdid ma hubo. Uga faa'iidayso fursadan si aad xogta u wada heshaan. Inaad ilmahaaga u ahaatid qof markasta ay heli karaan ayaa ah waxa muhiimka ah.
- Ka digtoonow inaadan la wadaagin macluumaad badan hal mar, sababtoo ah tani waxay noqon kartaa mid ka tan badan.
- Ka diktoonoow inaad u hadashid qaab ilmahaagu ku dareemi karo welwel badan.
Ilmahaagu haku hago
- Ka codso cunigaaga inuu kuu sheego wax kasta oo laga yaabo inay ka maqleen coronavirus (COVID-19), iyo sida ay dareemayaan ee ku aadan xaaladan.
- Si joogto ah ula soco ilmahaaga. Sii fursado ay kugu weydiiyaan su'aalo toddobaadyada iyo bilaha soo socda.
- Carruurta qaarkood waxay ka welweli doonaan dadka kale in ka badan inta ay nafsadooda ka welwelsan yihiin. Inta awoodaada ah u hel habab ay kula xiriiraan qoyska iyo asxaabta adoo adeegsanaya tignoolajiyada.
- U muuji kalsooni. U sheeg carruurta in isbeddellada ku yimid noloshood in sababta loo keenay ay tahay si ay dhammaanteen nooga dhigaan kuwa nabad qaba. U sheeg, in aakhirka, arrimuhu caadi ku soo noqon doonaan.
- Ka fiirso hadalada aad u isticmaaleysid ilmahaaga inta aad ag joogtid. Xusuusnow in carruurtu ay dhegaysan doonaan wada sheekaysiga dadka waaweyn in ka badan sidii caadiga ahayd.
- Waxaan waxba ahayn haka soo qaadin cabsida ilmahaaga. Waa wax la fahmi karo inay welwelaan sababtoo ah waxay u badan tahay inaysan waligood la kulmin wax sidan oo kale ah hadda ka hor.
- U sheeg ilmahaaga in dhakhaatiirta iyo saynisyahannada adduunka oo dhan ay aad ugu hawlan yihiin sidii ay wax badan uga fahmi lahaayeen coronavirus (COVID-19) oo ay u xaqiijin lahaayeen nabad qabkeena.
Diirada saar waxa aad qabaneyso si aad u badbaado
- Sii xoogaa masuuliyad ah oo la xiriirta waxa dhacaya. Bar muhimadda ay leedahay kala fogaanshiyaha jirka, dhaqidda gacmaha iyo sida saxda ah ee waxyaalahan loo sameeyo. Xusuusi mas'uuliyadda ka saaran inay dadka kale ka ilaaliyaan qufaca iyo hindhisada.
- Xusuusi inay wacaan000 haddii iyaga ama qoyskoodu aanay ammaan ahayn.
Ku dheganoow jadwal (routine) joogto ah
- Inta lagu jiro fasaxa iskuulada, maalmo habaysan oo leh wakhtiyo joogto ah oo cunto la cuno iyo wakhtiyo joogto ah oo la jiifto ayaa qayb muhiim ah kasii ahaan karta xaqiijinta farxada iyo caafimaadka carruurta.
- Markii aad awoodid, sameyso jadwal maalmeed joogto ah. Sameeyo jadwal aad isla wadaagtaan qoyskaaga oo ku dhaji talaajadda meel uu qof walba ka arki karo.
- Haddii ay suurtogal tahay, maalin walba waqti u hel sidii aad uga hadli lahayd muhiimada nadaafadda wanaagsan oo bar iyaga muhiimada ay leedahay kala fogeynta jirka.
- Waxyaabaha ay ka midka yihiin sida banaanka oo waqti lagu soo qaato, wakhti ciyaar, wakhtiga firaaqada ee tignoolajiyada, wakhtiga hal abuurka iyo wakhtiga waxbarashada ku darso xisaabta.
- Waa caadi inaad noqotid qof dabacsan oo ka jawaaba baahiyaha iyo xaaladda shucuureed ee ilmahaaga.
Joogteey wadahadalka
- Soo ogow waxa ilmahaagu uu hore ula socday ama ka walaacsan yahay. Waa muhiim inaad wax ka ogaatid inay maqleen macluumaad khaldan.
- Weydii su'aalo aysan jawaabahoodu ahayn haa ama maya.
- Haddii ilmahaagu wax ku weydiiyo oo aanad garanayn jawaabta, usheeg xaqiiqda. U isticmaal su'aasha fursad aad kusoo wada ogaan kartaan jawaabteeda.
- Haddii carruurtaadu aanay u muuqan kuwo wax xiiseynaya ama aysan su'aalo badan qabin, taasi waa caadi.
- Ha ogaadaan inaan dhammaanteen dooneyno inaan sii wadeyno dhegeysiga iyo hadalka.
Uso gabagabeey wadahadalada si daryeelis ku jirto
- Waa muhiim inaadan ka tagin carruurta ayagoo wali welwel qaba markaad wada sheekeysataan kabacdi.
- Marka aad soo gabagabayso wada hadalkaaga, u kuur gal inay jiraan astaamo sheegaya dareen walaac oo ay qabi karaan iyo in kale. Tani waxay noqon kartaa isbeddel ku yimaada codkooda, neefsashadooda ama luuqadda jirkooda.
- Niyada u deji haddii ay sidaas dareemaan.
Waxyaabaha loo baahan yahay inaad la socotid marka laga hadlayo carruurtaada
Waa wax caadi ah in carruurta iyo dhallinyaradu ay muujiyaan calaado murugo ah. Falcelinta badana la arko waxaa ka mid ah:
- cabsi iyo walaac
- xanaaq iyo niyad jab
- jah-wareer
- murugo
- qirasho la'aan.
Xusuusnow inaad nafsadaada ka taxadartid
- Xaaladdani waxay noqon kartaa mid walaac leh - iyadoon loo eegayn da'daada. Si aad u daryeeshid dadka aad jeceshahay, waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad naftaada daryeeshid.
- Haddii aad isku aragtid inaad dareen welwel ah qabtid, qaado wakhti aad isku dejisid intaadan la hadlin ama aadan ka jawaabin su'aalaha ilmahaaga.
- Haddii aad dareentid welwel, u sheeg ilmahaaga inaad usoo heli doontid xoogaa macluumaad ah aadna la hadli doontid dhawaan.
- Ilaha dibadda ee soo socda ayaa sidoo kale la heli karaa si ay u taageeraan caafimaadkaaga dhimirka iyo nabad qabkaaga:
Ilo macluumaad dheeri ah
Oo ku taageeraya marka aad la hadlayso ilmahaaga
- Korinta Shabakada caruurta (Raising Children Network) – Coronavirus (COVID-19) iyo carruurta
- Emerging Minds – taageeridda carruurta inta lagu jiro dillaaca
- KidsHealth – Coronavirus (COVID-19): Sida Loola Hadlo
- eSafety Office – COVID-19: xirmo loogu talagalay in laisku badbaadiyo oo onlayn ah oo loogu talagalay waalidiinta iyo
Si aad ula wadaagtid carruurta iyo dhalinyarada
Reviewed 11 May 2022