Haddii aad u baahan tahay turjubaan, ka wac Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada 131 450.
Ka ilaali naftaada iyo tan dadka kale COVID-19
COVID-19 wali wuxuu ku dhex wareeganayaa bulshada dhexdeeda. Weli wuxuu sababi karaa inay dadka qaarkood aad ula xanuunsadaan. Inaad naftaada ilaaliso ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo dadka kale. Ma faafin kartid COVID haddii aadan qaadin COVID.
Is baar
Guriga joog oo sameey baaritaanka antigen-ka degdega ah (rapid antigen test - RAT) haddii aad:
- leedahay calaamadihii caabuqa sida sanka oo ku dareera, cune xanuun, qufac, qandho, ama qarqaryo.
- tahay qof la kulmay qof qaba COVID-19.
Haddii natiijada baaritaankaagu ay noqoto mid neegatiif (negative) ah, waa inaad sii wadataa isticmaalka baarista antigen-ka degdega ah dhowrka maalmood ee soo socda oo aad joogtid guriga ilaa calaamadaha caabuqa ay meesha ka baxayaan.
Haddii aad hesho natiijo baaritaan oo boositiif (positive) ah adoo isticmaalaya qalabka baaritaanka antigen-ka degdega ah waa inaad natiijadaada ku soo wargelisaa Waaxda Caafimaadka. Waxaad natiijada kusoo sheegi kartaa ama adoo wacaya 1800 675 398. Haddii aad soo sheegtid natiijadaada, waxaad heli kartaa daryeel caafimaad oo bilaash ah iyo dawooyinka COVID.
Weydiiso GP-ga inuu baaritaanka PCR ka kuu sameeyo haddii ay suuragal tahay inaad aad ula xanuunsato COVID-19. Uma baahnid inaad natiijada baaritaankaaga soo sheegtid haddii aad natiijo boositiif (positive) ah ka heshay baaritaanka PCR ka.
Ka hel macluumaad dheeraad ah Iska baadh COVID-19 (Get a COVID-19 .
Ilaali caafimaadkaaga
Haddii lagaa helo COVID-19 waa inaad nasato oo aad la hadashaa GP-ga. Dadka intooda badan waxay yeelan doonaan calaamado fudud waxayna ku bogsan karaan guriga. Waa in:
- Aad guriga joogtid ugu yaraan 5 maalmood. Aadan tagin shaqada ama iskuulka. Aad ka fogaatid isbitaallada, xarumaha daryeelka waayeelka, iyo adeegyada naafada.
- Aad xirato maaski haddii ay noqoto inaad guriga uga baxdo xaalad degdeg ah. Maaskiyada ugu fiican waa kuwa qalliinka ama N95.
- U sheeg dadka aad la kulantay ama meelaha aad dhawaan tagtay inaad qabto COVID.
Haddii calaamadahaagu ka sii daraan, waa inaad la hadashaa GP ama la xidhiidh Rugta Neefsashada ee GP-ga (GP Respiratory .
Waxaad sidoo kale ka wici kartaa Khadka Caawinta Coronavirus ee Qaranka (National Coronavirus nambarka 1800 020 080.
Wac Waaxda Gurmadka Khadka Hawada ah ee Victoria (Virtual Emergency wixii daryeelka degdegga ah haddii aadan la hadli karin GP.
Xaaladaha degdega ah wac nambarka Seddexda Ebar (000).
Waxaa laga yaabaa inaad dadka kale qaadsiin karto ilaa 10 maalmood. Waa inaad guriga joogtaa haddii aad leedahay diif, cune xanuun, qufac, qandho, qarqaryo, dhidid, ama ay neeftu ku qabato. Isticmaal qalabka baaritaanka antigen-ka degdega ah ama la hadal GP-ga haddii aadan hubin.
Caawimaad
Wixii macluumaad dheeraad ah:
- Booqo Liiska hubinta COVID-19 (Checklist for wixii ku saabsan waxa aad samayn lahayd haddii lagaa helo COVID-19
- Booqo Maareynta COVID-19 (Managing wixii ku saabsan calaamadaha iyo sida aad ugu daryeeli karto caafimaadkaaga guriga.
Si aad qof ula hadasho:
- Ka wac Khadka Caawinta Coronavirus ee Qaranka (National Coronavirus Nambarka 1800 020 080
- Ka wac Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada 131 450
Weydii daawooyinka COVID
Daawooyinka COVID waxay badbaadiyaan nolosha waxayna ka hortagaan in dadka ay aad ula xanuunsadaan COVID-19. Waa in loo qaataa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah iyo 5 maalmood gudahood marka uu qofku xanuunsado si ay ugu shaqeeyaan sida ugu fiican.
Ka jawaab si loo ogaado inaad u qalantid daawooyinka COVID. La hadal GP-ga haddii aad u malaynayso inaad u qalanto. GP-ga ayaa ku caawin kara si loo hubiyo in dadka xaqa u leh ay si degdeg ah u helaan daawaynta
Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg ka-hortagga fayraska iyo dawooyinka .
Xiro maaski
Maaskiga ayaa ka hortagi kara inaad qaado oo aad faafiso COVID-19. Maaskiyadu waa inay ahaadaan kuwo tayo wanaagsan oo si fiican u le’eg wejiga. Maaskiyada N95 iyo P2 (maqaarka neefsiga) ayaa laga helaa difaaca ugu fiican.
Waa inaad u xirataa maaski:
- gaadiidka dadweynaha, meelaha gudaha ah ee goobaha dadweynaha, iyo bannaanka meel dadku ku badan yahay.
- Haddii aad qabto COVID-19 oo ay tahay inaad guriga ka baxdo
- haddii aad tahay ama aad la joogto qof halis sare ugu jira inuu aad u bukoodo.
Carruurta ay da'doodu tahay 2 sano ama ka yar waa in aanay xiran maaski sababtoo ah waxay khatar ugu jiraan inay neeftu ku dhegto.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg maaskiga .
Qaado qiyaasta tallaalkaaga xiga
Tallaaladu waa habka ugu wanaagsan ee aad naftaada iyo qoyskaagaba uga ilaalin karto inay aad ula xanuunsadaan COVID-19. Waa inaad sidii laguugu talagalay u dhameysataa tallaalada lagugula taliyay. La hadal GP-ga si aad u ogaato inta qiyaasood ee lagu taliyey.
Weli waad is tallaali kartaa haddii uu COVID-19 kugu dhacay. Isticmaal baadigoobaha rugta tallaalka (vaccine clinic si aad GP-ga ama farmashiyaha xaafaddaada uga balansatid qiyaasta xigta ee tallaalkaaga.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg Talaalka covid-19 (COVID-19 .
Ha soo gasho hawo fiican
COVID-19 waxaa faafiya hawada. In hawo fiican ay soo gasho meelaha gudaha ah waxay yarayn kartaa halista faafitaanka COVID-19. Fur dariishadaha ama albaabada marka ay suurtagal tahay marka aad kula kulmayso dad kale meel gudaha ah. Haddii aadan sidaas sameyn karin, waxaad isticmaali kartaa nadiifiyaha hawada ee meel kasta loo qaadan karo (HEPA filter) kaas oo hawada ka saaraya walxaha aerosol-ka.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg Hawo-qaadaha .
Ka soo kabashada COVID-19
Dad badan ayaa dareemi doona inay wali la xanuunsan yihiin COVID-19 marka aysan sii faafin karin ka dib. U oggolow jidhkaaga daryeelka iyo wakhti uu si habboon ugu soo kabsado.
Waa inaad sugtaa 3 bilood ka dib markii aad cudurka qaaday, ka hor inta aadan qaadan qiyaastaada xigta ee tallaalka. Tani waxay xaqiijin doontaa inaad hesho ka hortagga ugu fiican ee fayraska.
Waxaad mar labaad qaadi kartaa COVID-19 sida ugu dhaqsaha badan 4 toddobaad ka dib markaad bogsatay. Haddii aad leedahay calaamadihii caabuqa 4 toddobaad ama ka badan markii aad cudurka qaaday ka dib, waa in lagu baaro.
COVID sii daba dheeraada waa marka calaamadaha COVID-19 ka ay socdaan in ka badan 3 bilood. Waa inaad la kulantaa GP-gaaga kaa caawin kara inaad maareyso calaamadahaaga ama kuu gudbin kara takhasusle haddii taasi loo baahdo.
Ka hel macluumaad dheeraad ah COVID sii dabadheeraada (Long .
Haddi aad tahay qof la kulmay qof qaba caabuqa
Waxaad halis ugu jirtaa inuu kugu dhaco COVID-19 haddii aad guri wadaagtaan ama aad xiriir dhow la yeelatay qof laga helay cudurka.
Waa inaad u kuur gashid calaamadaha caabuqa oo aad si joogto ah baaritaan u sameysid 7 maalmood ka dib markii aad la kulantay qof laga helay cudurka. Inta lagu jiro wakhtigan, waxaa lagugula talinayaa:
- inaad ka fogaatid isbitaallada, xarumaha daryeelka waayeelka, iyo adeegyada naafada
- inaad xiratid maaski markaad guriga ka baxayso, oo ay ku jirto marka aad gaadiidka dadweynaha raacayso iyo marka aad meelaha gudaha ah ku sugan tahay sida shaqada iyo iskuulka
- hawo fiican hasoo gasho meelaha gudaha ah adigoo furaya daaqadaha, marka ay suurtogal tahay
Wixii macluumaad dheeraad ah ka ogoow Liiska hubinta ee xiriirada (Checklist for .
Reviewed 12 December 2022